Siirry sisältöön
Haku

Suomi–somali

Suomi–somali-sanakirja on vapaasti käytettävissä Kotuksen verkkosivuilla. Valmiissa sanakirjassa on noin 28 332 hakusanaa.

Hakusanoiksi on valittu sekä tavallista jokapäiväistä sanastoa että monien alojen keskeisiä termejä. Näitä aloja ovat muun muassa sosiaali- ja terveysala, lääketiede, opetusala, tietotekniikka ja oikeustiede. Hakusanoina on myös tavallisia paikannimiä ja lyhenteitä.

Kotimaisten kielten keskuksessa käynnistettiin vuonna 2011 maahanmuuttajasanakirjaprojekti, jonka tavoitteena on luoda suomi – vieras kieli -sanakirjoja sellaisille maahanmuuttajakielille, joissa sanakirjojen tarve on kaikkein suurin. Maahanmuuttajasanakirjojen ensimmäiseksi kohdekieleksi valittiin somali, koska somalinkieliset maahanmuuttajat olivat Suomen kolmanneksi suurin maahanmuuttajaryhmä venäläisten ja virolaisten jälkeen.

Kotuksen maahanmuuttajasanakirjojen tavoitteena on palvella Suomeen tulleita maahanmuuttajia maassa, jonka kieli ja kulttuuri ovat heille vieraita. Sanakirjoista on hyötyä myös tulkeille ja kääntäjille, joiden työtä sanakirjojen puute vaikeuttaa. Sanakirjat ovat avuksi myös silloin, kun maahanmuuttajat opiskelevat omaa kieltään tai haluavat ylläpitää sen taitoa, sillä sanakirjoista voi hakea myös maahanmuuttajan oman kielen sanoja. Myös suomea äidinkielenään puhuvat voivat hyödyntää sanakirjoja, jos he tarvitsevat työssään tai opiskelussaan jotain maahanmuuttajakieltä tai ovat muuten vain siitä kiinnostuneita.

Kotimaisten kielten keskus toimittaa ja julkaisee maahanmuuttajasanakirjoja opetus- ja kulttuuriministeriön erillisrahoituksen turvin.


Suomi–somali-sanakirjan logo.




Käyttöliittymä-artikkeli Suomi–somali-sanakirjassa. Ruutukaappaus.
Käyttöliittymä-artikkeli Suomi–somali-sanakirjassa. Ruutukaappaus.



Maahanmuuttajakielten sanakirjojen yleisesittely somaliksi

Arar

Maxaa loola jeedaa qaamuusyada dadka waddanka u soo guuray?

Ujeeddada qaamuusyada dadka waddanka u soo guuray waa in looga faa’iideeyo dadka waddanka u soo guuray oo dhaqanka iyo luqadda finishku ku cusubyihiin. Dadka waddanka u soo guuray waxay badanaa caawimaad uga baahanyihiin, marka ay la kulmayaan shaqaalaha xafiisyada kala duwan ama marka ay afka finishka baranayaan.

Qaamuusyadan waxaa ka faa’iidaysan kara turjubaannada hadalka iyo kuwa qoraallada roga ama labadaba, intooda aan horay u heysan qaamuusyo baahidooda haqabtiri kara.

Qaamuusyadan waxaa kale oo ka faa’iidaysan kara dadka waddanka u soo guuray oo baranaya afkooda hooyo ama raba inay xoojiyaan, maaddaama erayo ku qoran afka hooyo ee dadka waddanka u soo guuray qaamuusyadan wax looga raadsan karo.

Qaamuusyadan waxaa sidoo kale adeegsan kara dadka afkooda hooyo uu finishka yahay, kuwaas oo arrimo shaqooyinkooda ama waxbarashadooda la xiriira awgood u danaynaya luqadaha dadka waddanka u soo guuray. Waxaa kale oo jiri kara dad kala duwan oo siyaabo gaar ah u xiisaynaya qaamuusyadan dadka waddanka u soo guuray.

Dhammaan qaamuusyada dadka waddanka u soo guuray ee Machadka afafka rasmiga ah ee Finland (Kotimaisten kielten keskus) waxay ku salaysanyihiin oo lagu diyaariyay nidaam iyo mabda’ isku mid ah. Eray qaamuuseedyada nidaamka lagu soo xulay wuxuu ku salaysanyahay, iyadoo luqadda guud ee finishka laga soo qaatay erayo dhextaal ah oo la xiriiri kara nololmaalmeedka dadka waddanka u soo guuray. Laamaha ay eraydu la xiriiraan waxaa ka mid ah daryeelka caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee waxbarashada. Sidoo kale erayada loo adeegsado nidaamka siyaasadeed iyo midka bulsho iyo weliba dhinaca diinta waa kuwo xaalado badan looga baahan karo. Qaamuuskan waxaa sidoo kale ku jira erayo lagu shaqaraadsan karo ama lagu shaqaysan karo iyo sidoo kale erayo la soo gaabiyay iyo magacyo la xiriira laamaha bulshada udubdhexaadka u ah ama ay ku tiirsantahay.

Qaamuuska finish–soomaaliga (suomi–somali-sanakirja) waa qaamuuskii ugu horreeyay ee Machadka afafka rasmiga ah ee Finland uu u soo saaray dadka waddanka u soo guuray.

Qaamuuska labaad wuxuu noqonayaa finish–kurmaanji (suomi–kurmandži-sanakirja). Qaamuus walba wuxuu yeelan doonaa 28 332 oo eray qaamuuseed. Miisaaniyad khaas ah oo wasaaradda waxbarashada iyo dhaqanku bixiso ayuu Machadka afafka rasmiga ah ee Finland u adeegsadaa soo saarista qaamuusyadan.